Geeraar jaceyl ah:
Ma og tahay in fariimaha u habeysan geeraar jaceyl oo gaaban inay saameyn ku yeelan karaan qalbiyada lamaanaha is jecel. Waxaan idinla wadaagi doonaa erayo jaceyl oo qoraal ah, kuwaas oo u asteysan suugaan ahaan.
Horay waxaan idinla wadaagnay geeraar jaceyl oo amaan ah, kaasoo ka hadlayay amaanta dumarka iyo ragga.
Haddaba ku soo dhowaada geeraar jaceyl ah oo gaaban, kaas oo aan fileyno inay xiiseyn doonaan akhristayaasha ku xiran majalada Jibrel ahmed
- Rajadii noloshaa tahoo
- Natiijo wanaagsan iyo
- Neecaaw baan dareemayaa
- Naxariis igu soo degtay baad ii tahay
- Nafteydaad farax gelisaa oo
- Nadiif baad qalbiga ka dhigtaayoo
- Nuur ubax baxay iyo
- Nasteexaad igu kordhisaa
- Niyadda kheyrkeedaay
- Guga oo naqu hooray
- Nabaad ii soo baxayiyo
- Naruuro baad ii tahay
- Nimcada lagu xamdiyo
baad ii tahay - Waan ku jeclahay
Geeraarkaan gaaban waxaa isticmaali kara wiilasha iyo gabdhaha qofkii doona. Waxaa kale oo jira geeraar jaceyl oo gaaban oo aan idinla wadaagi doono, waxaana erayada ka mid ah noqonaya sida soo socota:
- sideedaba aduunyadu
- waa saacad qura oo
- marbay kuu samaataa
- marna way sirgaxantaa
- siduu saadir kuu qoray
- yay kolba suurad noqotaa
- ruux ku siray ma fiicnee
- ha saluugin noloshoo
- ha sahwiyin jecelkee
- samiroo dulqaado
- samaantiyo xumaantuba
- waa labo siraadoo
- ruux kastaaba sugayoo
- loo wada samaysmee
- naftu saad ka yeeshay
- hadba saad ka dhigatay
- dadku kuu sawirayaan
- adigaa jaceylkiyo jinigaba u yeertee
- adigaa jidkii iyo jihadii ka leexdee
- ruux ku siray ma fiicnee
- ha saluugin noloshoo
- ha sahwiyin jecelkee
- samir oo dulqaado
Ereyadan waxaa tiriyay abwaan magaciisa lagu sheegay Cilmi Siciid. Waxaa si walba oo ay tahay aan idinla wadaagi doonaa geeraaro jaceyl oo xiiso badan, kuwaas oo ay ka faa’iideysan karaan dhammaan inta jecel geeraarada iyo horumarinta jaceylka iyo welibana farxadda nolosha jaceylka.
