Geraaro amaan ah

 

Geeraar Jaceyl oo amaan Ah

















Geeraar Jaceyl oo amaan Ah

Maanta waxaan soo gudbineynaa geeraar jaceyl oo amaan ah, ma ahan oo kaliya mid ku kooban amaanta dumarka oo qura, waxaa jira in ay jiraan amaan rag loo sameeyo sida qaarkiinba ay ku arkaan goobaha aroosyada in amaan loo jeediyo arooska iyo aroosadda labadoodaba.

Ka sokow amaanta arooska iyo aroosadda, waxaa jira geeraar jaceyl oo amaan ah oo la isu mariyo guurka ka hor ama xilliga shukaansiga qofka kugu cusub.

Sida qaarkiin ay la socdaan guud ahaan suugaanta Soomaalida badankeed waxay ka hadashaa amaanta dumarka marka laga reebo suugaanta waddaniyadda ka hadla.

Bal xusuuso heesaha yaabka leh ee nagu beera dareen aan la aqoon ee dhaqaajiya jidhkeena marka aan dhegeysano.

Geeraar jaceyl oo amaan ah laftiisa ayaa noocyo u kala baxa sida: kulanka iyo isbarashada hore, bilowga, bartamaha xiriirka, rajada mustaqbalka iyo haddii ay xurgufi ka dhex abuuranto lamaanaha is jecel.
Haddaba bal akhriso mid ka mid ah geeraar jaceyl oo amaan ah oo welibana xiiso badan.

Waxa iga lilaahiya
sidaad iigu Larantay
inaan kugu liganee
Luulaay ogsoonaaw

Lamaanaha is doortee
laasimay Kal gacalkoo
isku laab fayoobaa
Liibaan kuwada nool

Ha u liicin nacabkaa
libta yaanay kaa helin
waxa iga lilaahiyaa
Sidaad iigu larantay
inaan kuugu Liganee (nugulee)
luulaay ogsoonow

Labxadaad ku taalooo
qalbigeygu lahashada
ma ladoo habeenkii
Lama doodi waaye

Caashaqi lud iyo jiid
dhuuxiyo Lafaha gala
nacab loodi maayo

Ha u liicin nacabkaa
libta yaane Kaa helin
waxa iga lilaahiyaa
Sidaad iigu larantay
inaan kuugu Liganee
luulaay ogsoonow

Ma yara suugaanta ku saabsan jaceylka noocyadiisa kala duwan, bal ila akhri hees amaan ah oo loo tirinaayo rag oo lagu amaanayo.

Judhaan Ku Arko
ku Eegaba
jaleecada eegmadada
jiriracadu i qaaddaa
jaceyl baad igu abuurtay

Jamaalka Iyo joogga wacan
nafteyda jiidanayee
habeen hurda kaama jiifee
jidiinkana daa warkiisa

Jaceylkan xiisihiisa
jiro iyo cudur buu i badayoo
jirkaba i dubaaxinaayoo

Si kastaba ha ahaatee geeraarka amaanta ahi wuxuu door weyn ka qaataa isu soo dhowaanshaha labada is  jecel.

Post a Comment

Previous Post Next Post